* In ka badan 170 qof ayaa laga daadgureeyay magaalada dekedda leh ee Mariupol ee dalka Ukraine ka dib toddobaadyo ay halkaasi ka socdeen qaraxyo iyo dagaallo.
Dadkaasi Axadii, waxay gaareen magaalada Zaporizhia, oo ay maamusho Ukraine. Dadka la soo daad gureeyay waxaa ka mid ah 40 ku jiray Biraha la go’doomiyay ee sida aadka ah loo duqeeyay ee Azovstal, halkaas oo ciidamadii ugu dambeeyay ee Ukraine ay isku dayayaan inay ka dagaalamaan.
Dadka la soo daadgureeyay oo ay ku jiraan dhowr caruur ah ayaa fuulay basas cadcad, waxaana galbinayey shaqaalaha samafalka. In ka badan 600 oo qof ayaa laga soo daadgureeyay Mariupol iyadoo la sii maray waxa loogu yeero marinnada bini’aadantinimo, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
* Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyj ayaa aaminsan in Ruushku ay ilaabeen wax kasta oo muhiim u ahaa ciidamadii Soofiyeeti ee la dagaalamay Nazigii Jarmalka dagaalkii labaad ee aduunka.
Magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay ku beegan tahay maalintii uu Midowga Soofiyeeti ka adkaaday Hitler iyo Naasiyiintii. Laakiin Ruushku waxa uu ilaaway wax kasta oo muhiim u ahaa kuwii ku guulaystay dagaalkii labaad ee aduunka, ayuu yidhi Zelensky Axadii.
Iyadoo dadka caadiga ah ay sannad-guurada ku xidhiidhiyaan nabadda iyo hal-ku-dhigyo kale hadana, Ruushka wuxuu sii wadaa duqeymaha, ayuu yiri Zelensky.
* Zelenskyj wuxuu hadda meesha ka saarayaa inuu awood u leeyahay inuu xoreeyo magaalada dekedda leh ee Mariupol ee go’doonsan.
“Ukrayn ma haysto hub culus oo ku filan oo ay ku xorayn karto Mariupol iyada oo loo adeegsanayo hab militari,” ayuu ku sheegay shir jaraa’id oo uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau, oo booqasho midnimo ku tagay Kyiv.