Home News in English War Hada AH: Xisbiga Sverigedemokraterna oo go’an kasoo saaray ku biirista NATO

War Hada AH: Xisbiga Sverigedemokraterna oo go’an kasoo saaray ku biirista NATO

0

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa go’ankiisa ku biiriyay in Sweden ay ku biirto NATO iyadoo uu noqonayo xisbiga ugu danbeeyay ee kamid ah kuwa ugu weyn dalka ee codkiisa ku dara go’anka Dowlada.

Go’anka waxaa ku dhawaaqay hogaamiyaha xisbiga Jimmie Ã…kesson ka hor doodda baarlamaanka ee isniinta maanta.

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa muddo dheer ka soo horjeeday NATO, laakiin haddii Finland ay ku biirto, Sweden waa inay sidaas oo kale sameeyaan, sida uu qabo Jimmie Ã…kesson.

Dowlada Sweden ayaa aad ugu kala aragti duwan ku biirista NATO lakin sida xaalka uu hada ku socdo waxa uu dalka ku biirayaan NATO.

Cabsida ugu weyn ayaa ah in Ruushka uu ka falciyo Qorshaha Dowladaha Sweden iyo Finland ugu biirayaan isbaheysiga NATO.

Ruushka ayaa duulaan ku qaaday Dalka Ukraine iyadoo sababta ugu weyn ay tahay ku biirista NATO.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here