Home Wararka Maanta War hada Ah Sharci Cusub oo lagu soo rogay Shaqaalaha ka shaqeeya...

War hada Ah Sharci Cusub oo lagu soo rogay Shaqaalaha ka shaqeeya Goobaha dhalinyarada ku Ciyaaraan.

0

Laga bilaabo koowda bisha luulyo ee sannadkan waxaa hirgeli doona xeerka in dhammaan shaqaalaha ka howlgala goobaha xilliga firaaqadaee dhallaanka ey heeystaan shati xirfadeed ee macallinnimo.

-Waxay noqon doontaa arrin karti iyo howl ballaaran u baahan, sida ay sheegtay Malin Palmér Andersson, ahna maamulaha dugsiga Dansutskolan ee magaalada Gnesta.

Tirada howl wadeennada ka shaqeeya goobaha xilli firaaqada dhallaanka ee haysta shahaadada xirfadda ayaa ah mid aad u hooseeya. 40% hoowlwadeennada goobahaa ayaa heeysta shahaado jaamicadeed ee xirfadda, waana tiradii ugu hooseeysay ee hayadda maamulka iskuulladu ay tirakoob ku ogaatay wixii ka dambeeyay sannadii 1995. Hase yeeshee aan iminka la saadaalin karin tirada howlwadeennada goobahaa ka shaqeeya ee 1-da bisha luulyo heeysan doona shahaado xirfadeed howlahooda ah. Waana xaalad degdeg ah, sida uu sheegay ururka macallimmiinta.

Iskuulka ay maamulaha ka tahay Malin Palmér Andersson, ayaan iminka laheyn howlwadeenno ka shaqeeya goobaha xilli firaaqada dhallaanka (fritidsgård) waxa loo yaqaanno ee haysta shahaado cayiman ee howlahooda la xiriira:

-Wey nagu adaakeeneeysa in shaqaalaha iminka goobahaa nooga howlgala ee buuxin kara shuruudda shahaadada xirfadda, sida ay hadalka u dhigtay.

Line Isaksson, waxay ka xubin ka tahay hoggaanka ururka macallimmiinta.

-Waxaannu ogsoonnahey in maanta ey jiraan 600 ee goobaha xilli firaaqada dhallaanka oo aan heeysan macallimmiin shahaadeeysan mana garan karno in xeerkani markuu hirgalo ey tiradaasi kor u sii kici doonto iyo in kale, sida ay hadalka u dhigtay.

Goobaha xilli firaaqada dhallaanka ayuu xeerka iminka jira qeexayaa iney wax barasho ku helaan dhallaanka da’doodu u dhexeeyso 6 illaa iyo 12 jir, xilliyada ey dhammaadaan xiisadaha iskuulka ee caadiga ah, waana mid adkaan doonta haddii ey kor u kacaan kooxaha dhallaanku, sida ay aaminsan tahay Line Isaksson:

-Suurtagal maahan in 100 ciyaal ah ey macallin keliya helaan, waxay noqoneeysaa un xero dhallaanka lagu hayo inta waalidku ka iman doono, sida ay sheegtay Line Isaksson oo qudheedu shahaado u haysata xirfaddaa.

Mamulaha dugsiga Dansutskolan ee magaalada Gnest, Malin Palmér Andersson ayaa sheegtay in aanay dareemayn kadeed hase yeeshee u baahan tahay inay ka fekerto sidii kor loogu qaadi lahaa xirfad howleedka howlwadeennada, sida ay sheegtay, mar ay wareeysi siisay laanta idaacadda ee P4 Sörmland.

Somaliska Götenborg

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here