Home News in English Waqtiga la bilaabayo Imtixaanka Luuqada ee Dhalashada Sweden oo lasoo bandhigay

Waqtiga la bilaabayo Imtixaanka Luuqada ee Dhalashada Sweden oo lasoo bandhigay

0
Foto: Jessica Gow / TT

Dowlada Sweden gaar ahaan baadhayaasha Loo xilsaaray Sharuudaha Luuqada ee Dadka Dalbanaya Dhashada ayaa maanta lasoo saaray iyadoo Imtixaanka la bilaabayo Sanadka 2025 dhanka kale Dowlada ayaa maanta shirkooda Jaraa’id ku soo bandhigay in waqtiga laga soo hormariyo mudaddaasi.

Baaritaanka lasoo bandhig ayaa ah in Qofka laga Qaado labo Imtixaan mid Luuqad ah iyo Cilmiga Bulshada waxa Afka Swedish-ka lagu dhaho (samhällskunskap)

Imtixaanka ayaa laga reebay Dadka Markaasi waayeelka ah Sababo la xiriira in ay ku adagtahay Barashada Luuqada Sweden waxaana Dadka Imtixaanka laga qaadayo lagu sheegay 16 ilaa 66 sano jir.

Marie Andershon oo u hadashey Gudiga baaritaanka ayaa sheegtay in Dadka bartay Luuqada Sweden gaar ahaan SFI ee heesta darajada sare ay ku filantahay.

Caadiyan SFI Darajadiisa sare ama heerka ugu feecan waa D.

Sharuudaha Luuqada waxaa laga reebay Dadka Dowlad la’anta ah ee da’dooda ka hooseyso 21 sano jirada iyo  Dadka waqooyiga yurub kasoo jeeda

Wasiirka Caddaaladda iyo Socdaalka ayaa yiri, “Shuruudduhu waa muhiim si loogu fududeeyo soo-galootiga soo galaya bulshada iyo helitaanka shaqo. Waa in dib u habeyn lagu sameeyaa taas oo kordhinaysa fursadaha soo gelitaanka bulshada Sweden

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here