Home Wararka Caalamka Wadamada Yurub oo loogu Baaqay in Qaxootiga aysan ku Celin Dalka Suuriya

Wadamada Yurub oo loogu Baaqay in Qaxootiga aysan ku Celin Dalka Suuriya

0

Sii socoshada tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee dowladda Suuriya waxay ka dhigan tahay in qaxootiga aan la celin, Human Rights Watch (HRW) ayaa sheegtay Arbacadii, iyadoo ku boorisay waddamada martida loo yahay inay u hoggaansamaan digniinta.

Ururka fadhigiisu yahay New York ayaa warbixin cusub ku sheegay inay diiwaangeliyeen dilal aan sharciga waafaqsanayn, jirdil, afduub, iyo tacaddiyo galmo oo loo gaystay qaxooti Suuriyaan ah oo la soo celiyey, kuwaas oo badankoodu dawladda ka haystay oggolaansho ammaan ka hor intaysan soo noqon.

HRW waxay ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan soo noqoshada qaxootiga madama wadamo badan oo yurub ay qaban qaabinayaan celinta Qaxootiga.

Saraaya Kayyali oo ah cilmi baare HRW ayaa sheegtay in “dowladdu ay sii waddo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhanka ah reer Suuriya, illaa inta ay tani sii soconeyso hadal kasta oo ku saabsan soo laabashadu waxay noqoneysaa midhalis ah.

Warbixinteedii ugu dambeysay – Nolosheenna waxay la mid tahay Geerida: koox ka socota xuquuqda ayaa wareysatay 65 qaxooti Suuriyaan ah oo ka soo laabtay Lubnaan iyo Urdun intii u dhaxaysay 2017 iyo 2021 ama xubnaha qoyskooda ayaa sidaasi sheegay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here