Home News in English Wadamada Caalamka oo dhabarka xijiyay Ukraine kuna soo aruuray Caawin oo kaliya

Wadamada Caalamka oo dhabarka xijiyay Ukraine kuna soo aruuray Caawin oo kaliya

0
Photo/AA

Ruushka ayaa gudaha u galay Dalka Ukraine waxana uu Dagaalka sii galayaa Maalinta Afaraad iyadoo duqeyn afarta jihaha ah ay ku socoto Dalkaasi.

Sababta ugu weyn ee wadanka eersaday ayaa ah inuu ku biiro NATO taasi uu ruushka u arko halis madama uu yahay dal xadka wadaagaan.

iyadoo dagaalka xoogiisa uu ka socdo Caasimada Kyve wadamo badan oo Caalamka uu ugu horeeyo Mareykanka ayaa dhabarka xijiyay dalkaan.

Wadamadan ayaa iskugu soo aruuray Caawin oo kaliya iyo in ay Hub siinayaan Dalka Ukraine.

Waxaa ku adkaatay inay qaab militari ay ku caawiyaan iyadoo Ciidanka Ruushka uu gudaha kula dagaalamayo kuwa Ukraine.

Lama ogaan karo sida xaalada ku danbeyneyso madama Dagaalka hada uu yahay mid Qaraar oo dhibaato lagu gaarsiiyay xaruumaha difaaca ee Ukraine.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here