Waalidiintii reer Malaysia oo lagu xukumay xabsi

7

Bishii Janaayo waxaan soo qoray waalidiin u dhashay wadanka Malaysia oo lagu haysto in ay garaaceen caruurtooda. Maxkamada Solna ee magaalada Stockholm ayaa maanta waalidiinta ku xukuntay xabsi ka dib markii la sheegay in mudo ay garaacitaan ku hayeen caruurtooda.

Hooyada ayaa lagu xukumay 1 sano 2 bilood oo xabsi ah halka abaaha lagu xukumay 10 bilood. Maxkamada ayaa sheegtay in kastoo dhaawaca caruurta soo gaaray uusan ahayn mid weyn balse waalidiinta lagu haystay dambiga ah in ay caruurtooda meel ka dhac ku sameeyeen. Waalidiinta ayaa sidoo kale lagu xukumay in ay magdhow lacageed siiyaan caruurtooda.

Eedeymaha loo soo jeediyay waalidiinta ayaa waxaa ka mid ahaa in ay shaamuug ku garaaceen caruurtooda. Waalidiina ayaa ku dooday in caruurtu ay been ka sheegeen arinta, iyagoo guud ahaan iska diiday dambiyada lagu soo oogay. Dowlada Malaysia ayaa isku dayday in ay Sweden ka dhaadhiciso in garaacista caruurta ay sharci ka tahay Malaysia oo caruurta lagu edbiyo. Balse Sweden ayaa ku adkaysatay in dambiga laga galay Sweden. Dowlada Malaysia ayaa dib u qaadatay caruurtooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here