Home News in English Ukraine oo diiday dalabka Ruushka ee ku aadan wada xaajoodka Labada dhinac

Ukraine oo diiday dalabka Ruushka ee ku aadan wada xaajoodka Labada dhinac

0
Photo/AA

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa Jimcihii sheegtay in Ukraine ay diiday dalabkeedii ahaa in ay wada xaajood ka yeeshaan.

Af hayeenka Ruushka Maria Zakharova ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabatay Moscow ku sheegtay in dhinaca Ukraine ay diideen in ay wada xaajood ka bilaabaan Minsk, laakiin Kyiv ayaa soo bandhigay in laga hadlo arrintan Sabtida.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa mar sii horreysay sheegay in Ruushku uu diyaar u yahay inuu wafdi u diro Minsk si ay wadahadal ula yeeshaan.

Faragelinta militariga Ruushka ee Ukraine ayaa galay maalintii labaad oo Jimce ah iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ciidamada Ruushka ay dhowr jiho ka soo aadeen dhanka magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amar ku bixiyay faragelinta militari Khamiista, maalmo kadib markii uu aqoonsaday laba deegaan oo ay gooni u goosadku ka haystaan ​​bariga Ukraine.

Waxa uu ku andacoodey in Moscow aysan lahayn wax qorshe ah oo ay ku qabsato dalka deriska ah balse ay rabeen in ay “ka dhigaan” hubka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Ruushka ku eedeeyay in ay isku dayayaan in ay soo dhisaan dowlad calooshood u shaqeystayaal ah, waxa uuna sheegay in dadka Ukraine ay dalkooda ka difaaci doonaan duulaanka Ruushka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here