Home Wararka Caalamka Turkiga oo u soo saaray Kaamirooyin casri ah diyaradihiisa Dron-ka kana maarmay...

Turkiga oo u soo saaray Kaamirooyin casri ah diyaradihiisa Dron-ka kana maarmay kuwa Canada ay xayirtay

0

Dowlada Canada oo ka duuleyso duqqeynta ay diyaaradaha Turkiga ka geesteen gobolka Nagorno-Karabakh ee dagaalka ka socod ayaa Dowlada Turkiga waxay ka hakisay Kaamirooyin lagu xiro diyaaradaha Bayraktar TB2.

Turkiga oo waqtigaasi ka jawaabay xayiraada ayaa sheegay in uu sameyndoono Kamirooyin lagu rakibo diyaaradaasi qaasatan kuwa ay soo saareyso Shirkada Baykar hada kadib.

Shirkada ASELSAN ayaa durba ku guuleesatay Kaamiryoon casri ah oo lagu farsameeyay Dalka Turkiga kuwaasi oo lagu rakibay diyaarada Bayraktar TB2 taasi oo boqolkiiba 100 la beegsatay goobta loogu tala galay Gantaalka MAM-L oo ay soo saartay shirkada kale ee ROKETSAN ee dhanka hubka u qaabilsan wadankaasi.

Turkiga ayaa isku dayaya in Boqolkiiba 100 uu ka maarmo ku tiirsanaanta wadamada Caalamka ee hagardaamiya Dalkaasi waxana warbixinadii ugu danbeeyay ay muujinayaan in turkiga uu ka maarmay boqolkiiba 80 ku tiirsanaanta wadamada kale.

Dalka turkiga ayaa sanadii ugu danbeeyay waxa uu hormar ka sameeyay siyaasadiisa Caalamka waxana tilabadan noqoneysa mid Dowlada Canada ay ku lumisay fursad muhiim ah uu dalkaasi dhaqaalo ku heli jiray.

Somaliska Ankara

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here