Home Wararka Denmark Dowlada UK oo mamnuucday soo galitaanka muwaadiniinta kasoo safreysa Dalka Denmark

Dowlada UK oo mamnuucday soo galitaanka muwaadiniinta kasoo safreysa Dalka Denmark

0

Dowladda Ingiriiska ayaa Sabtidii shaacisay in ay mamnuucday muwaadiniinta kasoo safraya dalka Denmark mamnuuciddaasi oo si dhaqse leh u bilaabaneysa iyadoo laga reebayo muwaadiniinta UK ee kasoo tagaya Denmark.

– Go’aanka ah in dhakhso wax looga qabto ayaa ku yimi xog cusub oo ka soo baxday hayaddaha caafimaadka Denmark, oo la xidhiidha infekshinka faafa ee loo yaqaan ‘covid-19’ gaar ahaan mid cusub oo laga helay xayawaankia mink, iyo nooc gaar ah oo fayraskaasi ugu badan yahay meelaha qaarkood sida dowlada ku qortay bogeeda.

Mamnuuciddu waxay quseysaa qof kasta oo aan u dhalan Ingiriiska oo jooga Danmark 14-kii maalmood ee ugu dambeeyay.

Arbacadii ayay mas’uuliyiinta Denmark sheegeen in la helay nooc ka mid ah coronavirus ee ku faafay Xayawaanka mink una gudbay bini-aadamka. Dowlada Denmarka ayaa biloowday dilka dhamaan xayawaankaasi ku nool wadanka.

Markii ugu horraysay, mas’uuliyiinta ayaa mudnaanta siiyay dilka ( mink ) ee woqooyiga Jylland, oo ay xaaladdu si aad ah u saamaysay. Rajadu waxay tahay in dhammaan minkiga waddanka la dilo dhammaadka toddobaadka soo socda.

Qaybo badan oo ka mid ah woqooyiga Yuulland ayaa hadda lagu soo rogay tallaabooyin adag oo lagu xakameynayo infekshinka waana la xiray.

Somaliska Copenhegan

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here