Home Wararka Caalamka Turkiga oo ku dhawaaqay inuu taageerayo xubinnimada Sweden iyo Finland ee NATO

Turkiga oo ku dhawaaqay inuu taageerayo xubinnimada Sweden iyo Finland ee NATO

0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Sweden, Turkiga iyo Finland ayaa xalaya fiidkii kala saxiixday heshiis saddex geesood ah , kadib kulan ay ka qeyb galeen Ra’iisul Wasaaraha Sweden iyo madaxweynayaasha Turkiga iyo Finland oo barbar socday shir madaxeedka NATO oo ka dhacay magaalada Madrid

Sida uu sheegay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Sweden u qaabilsan dhanka siyaasadda Oscar Stenström, heshiiska waxaa ka mid ah in Turkiga uu albaabka u furayo in Sweden iyo Finland ay ku biiraan NATO.

Madaxweynaha Finland ayaa kulanka kadib sheegay in Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu taageerayo ka mid noqoshada labada dal ee NATO

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here