Home Wararka Caalamka Turkiga oo dib u celiyay Qaxooti Somali ah kuwa kalena celinaya dhawaan

Turkiga oo dib u celiyay Qaxooti Somali ah kuwa kalena celinaya dhawaan

0

iyadoo dhawaan aan daabacnay Qoraal la xiriira Qaxootiga Somalida ee ku sugan Giriiga ayaa dhanka kale waxaa wararka aan ka heleeno dhanka Turkiga waxa uu sheegayaa in Dowlada ay bilowday dib u celinta Qaxootiga Somalida ee wadankaasi ku sugan kuwaasi oo laga soo qabtay dhanka xadka Giriiga iyo Turkiga.

ku dhawaad 28 Qof ka badan ayaa dib loogu celiyay Magaalada Muqdisho iyagoo diyaarad laga saaray dhanka Garoonka diyaaradaha Istanbul isla maalmo kadib waxaa mar kale dib loo celiyay Qaxooti kale oo aan tiradooda helin sida uu ii sheegay Cabdi Fitaax oo ah wiil dhalinyaro ah isla markana ku sugan Turkiga mudo lix sano ka badan.

Cabdi Fitaax ayaa Somaliska.com u sheegay in ay jiraan Qaxooti kale oo dowlada kasoo qabatay xadka kuwaasi oo loo diyaarinayo dib u celinta Dalka Somaliya.

Waxaa jiro Arday loo diiday Fiisaha Dalka Turkiga kuwaasi oo soo dalbaday si ay wax uga bartaan Dalka Turkiga.

Maxaa Sabab u ah dib u celinta Dadkaasi waakan Cabdi Fitaax oo mar kale ka waramaya arintaasi.

” Runtii waxaa Sabab u ah Somalida oo aad ugu tiro badatay wadanka meel kasta jooga isla markana tahriib mooyee wax kale aana wadanka u joogin taasi ayaa sabab u ah ”

Turkiga ayaa ugu horeeya wadamada Caalamka ee Somalida sida aadka looga soo dhaweeyay dhinac walbo iyadoo Dowlada ka warheyso tahriibka iyo hoolaha kale ay ku jiraan Somalida.

Somaliska Istanbul

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here