Home Wararka Maanta Turkiga oo dhoolatus qaadanaya Shan Maalin ka sameenaya Bada Mediterranean (Wararkii ugu...

Turkiga oo dhoolatus qaadanaya Shan Maalin ka sameenaya Bada Mediterranean (Wararkii ugu danbeeyay ee Xiisada taagan)

0

Turkiga ayaa dhoolatus milatari oo socon doona muddo shan maalmood ah ku qaban doona badda, berriga iyo hawada – iyadoo lagu qaban doono bartamaha waqooyiga Qubrus. Dhoolatuskan oo bilaabanaya Axadda, waana kii ugu dambeeyay ee dhoolatusyo milatari oo taxane ah oo ka socda bariga badda Mediterranean, halkaasoo xiisadaha u dhexeeya Turkiga iyo Giriiggu ay mar walba kor u kacayaan.

Diyaaradaha wax basaasa ee Turkiga waxay kormeeraan aagga xiisadda ka taagan tahay ee jasiiradda Kastellorizo, oo dhawr kiilomitir u jirta dhulweynaha Turkiga goobtaasi oo ah halka uu Khilaafka ka jiro.

Jasiiraddu ayaa ah goobta ugu fog ee jasiiradaha Giriigga waxaana ay u dhowdahay Turkiga marka la eego dhanka bada waana sababta keentay in Turkiga uu u arko dhul kamid ah dhulweynihiisa.

Biyaha ku xeeran jasiiradda waa Giriig, Giriiggu wuxuu aaminsan yahay in biyahaasi uu leeyahay madana jasiirada uu xukumo, halka Turkigu aaminsan yahay inay xaq u leeyihiin biyaha, sidaas darteedna waxay u direen markab cilmi-baaris ah oo ay galbinayaan maraakiib milatari aagga si ay uga baaraan gaas iyo saliid. Iskahorimaadka ayaa tan iyo markaasi waxa uu ku fiday qaybo badan oo ka mid ah bariga badda Mediterranean wuxuuna keenay dhowr dhoolatus milatari.

Isla mar ahaantaana, madaxweyne Erdogan wuxuu sare u qaaday heerka sare xitaa maanta, isaga oo ugu yeeray xuduudaha Mediterranean-ka “khariidado si aan cadaalad ahayn loo sawiray oo leh xuduudo ay tahay in laga hortago”.

Photo LOUISA GOULIAMAKI / AFP

Waxa kale oo uu sheegay in Turkigu leeyahay awood dhaqaale, siyaasadeed iyo mid milatari oo ay ku tartami karaan.

Ururka NATO ayaanan doneyn maqlitaanka Hadalada xanafta leh ee labada dhinac waxa ay rabaan inay dhexdhexaadiyaan Turkiga iyo Griiga.

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa dhankiisa u sheegay warbaahinta in NATO ay dooneyso sidii heshiis dhab ah looga gaari lahaa Khilaafka labada dhinac.

Somaliska Istanbul

Tifaftiray Somaliska

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here