Home Wararka Caalamka Trump oo guul ka gaaray doorasho ka dhacday gobolka New Hampshire

Trump oo guul ka gaaray doorasho ka dhacday gobolka New Hampshire

0
President Donald Trump speaks from the Oval Office of the White House as he gives a prime-time address about border security Tuesday, Jan. 8, 2018, in Washington. (Carlos Barria/Pool Photo via AP)

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa guul ka gaaray doorashada xisbigiisa jamhuuriga eegobolka New Hampshire, isagoo ka adkaaday haweenadii kula tartamaysay doorashadaan ee Nikki Haley.

Trump ayaa doonaya inuu noqdo musharraxa ka socda xibsiga Jamhuuriga ee doorashada la filayo in ay dhacdo bisha Nufeember ee sanadkaan, iyadoo dad badan ay aaminsanyihiin in guulaha uu doorashadan ka gaaray ay saadaal ka bixin karto doorashada soo aaddan.

Trump ayaa horey guulo uga soo gaaray gobollo kale oo muhiim u ah doorashada.

Dad badan oo qaxooti ah Soomaaliduna ay ka mid tahay ayaa xowliga Trump walaac ka muujinayay maadama dadka soo galootiga ah xilligii madaxweynaha uu ka ahaa Mareykanka uu ku soo rogay sharciyo adag isla markaana uu ku soo rogay xayiraad dhanka socdaalka ah dalalka Mulimiin ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here