Home News in English TOOS:- Tirinta Codadka Doorashada Sweden oo Socota Xisbiga Socialdemokraterna oo hogaaminaya kaalinta...

TOOS:- Tirinta Codadka Doorashada Sweden oo Socota Xisbiga Socialdemokraterna oo hogaaminaya kaalinta labaad oo SD soo galay

0

Waxaa soo dhamaatay codeynta doorashada Sweden waxana loo gudbay dhanka Tirirnta codadka oo marba marka ka danbeeyo ay soo kordhayaan.

Xisbiga Socialdemokraterna ayaa kaalinta 1aad ku jira waxana uu marayaa 30,3 halka SD oo ku xigo uu leeyahay 20,7.

Xisbigta Moderatka ayaa ku jira kaalinta Saddexaad waxana uu marayaa 19,0, Xisbiyada V iyo Centerka ayaa ku kula jira afaraad iyo shanaad.

Waqtiga walbo ayay doorashada isbadaleysaa madama lagu soo doorayo codadka la tiriyay Boga Somaliska ayaana toos idinkugu soo gudbinaya saacad walbo.

Halkan Hoose kala Soco

13:59 halkii hore ayay kala joogaan Xisbiyada taas oo ka dhigan in 108 xubnood uu Xisbiga S ku leeyahay Barlamaanka

08.20 saaka sweden waxaa wali socota Tirinta Codadka Xisbiga S ayaa kor u sii kacay waxana uu gaaray 30,5 halka SD uu marayo 20,9 M 19,1

23:21 Sida ay Daabaceen Warbaahinta Sida Aftonpladet Xisbiga Nyans ayaa sanadkan Doorashada sweden ka keenay guulo waaweyn

23:18 Goobaha Codbixinta qaarkood markii la xiray waxaa dadka qaarkood ay safaf ugu jireen codbixinta meelaha qaar waxaa lagu qiyaasay 500 qof ka badan

23:15 xiliga Sweden  Xisbiga S ayaa gaaray 30,4 SD waxa uu jogaa booskiisa halka M uu iska joogo booskiisa

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here