Waxaa soo dhamaatay codeynta doorashada Sweden waxana loo gudbay dhanka Tirirnta codadka oo marba marka ka danbeeyo ay soo kordhayaan.
Xisbiga Socialdemokraterna ayaa kaalinta 1aad ku jira waxana uu marayaa 30,3 halka SD oo ku xigo uu leeyahay 20,7.
Xisbigta Moderatka ayaa ku jira kaalinta Saddexaad waxana uu marayaa 19,0, Xisbiyada V iyo Centerka ayaa ku kula jira afaraad iyo shanaad.
Waqtiga walbo ayay doorashada isbadaleysaa madama lagu soo doorayo codadka la tiriyay Boga Somaliska ayaana toos idinkugu soo gudbinaya saacad walbo.
Halkan Hoose kala Soco
13:59 halkii hore ayay kala joogaan Xisbiyada taas oo ka dhigan in 108 xubnood uu Xisbiga S ku leeyahay Barlamaanka
08.20 saaka sweden waxaa wali socota Tirinta Codadka Xisbiga S ayaa kor u sii kacay waxana uu gaaray 30,5 halka SD uu marayo 20,9 M 19,1
23:21 Sida ay Daabaceen Warbaahinta Sida Aftonpladet Xisbiga Nyans ayaa sanadkan Doorashada sweden ka keenay guulo waaweyn
23:18 Goobaha Codbixinta qaarkood markii la xiray waxaa dadka qaarkood ay safaf ugu jireen codbixinta meelaha qaar waxaa lagu qiyaasay 500 qof ka badan
23:15 xiliga Sweden Xisbiga S ayaa gaaray 30,4 SD waxa uu jogaa booskiisa halka M uu iska joogo booskiisa