Home Wararka Caalamka Toogasho loo geestay Qof ku Sugnaa Goob Jimicsi oo Stockholm ku taalla

Toogasho loo geestay Qof ku Sugnaa Goob Jimicsi oo Stockholm ku taalla

0

Qof ayaa toogasho loogu geestay xaafadda Vasastan ee magaalada Stockholm. Warar ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in dhibbanaha la dhaawacay xilli uu ku sugnaa goob jimicsi, iyadoo booliisku aysan xaqiijin arrintan.

Dhibbanaha ayaa waxaa lagu qaaday ambalaas dhanka cisbitaalka si loogu dabiibo dhaawacyo halis ah oo soo gaaray.

Booliska ayaa helay warbixin ku saabsan toogashada maanta abaare 12-kii duhurnimo. Kadib waxay xaqiijisay in ninkaasi lagu toogtay gudaha guriga. Sida lagu sheegay xog ay daabaceen Aftonbladet iyo Expressen,Boolisku waxay raadinayaan qof wejiga soo duubtay oo lala xiriirinayo toogashada.

“Waxaan helnay taleefoon sheegaya in qof lagu dhex toogtay dhismo, markii aan gaarnay waxaan helnay qof qaba dhaawac,” ayuu yiri

Ciidamada Booliska ayaa isku gadaamay dhul ballaaran, waxaana hadda ay wadaan howlgallo ballaaran.

“Waxaan raadineynaa dambiilayaasha, waana arki doonaa haddii ay jiraan kamarado ilaalinaya aagga,” ayuu yiri Wallstrom.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here