Home Wararka Maanta Toogasho ka dhacday Magaalada Örebro oo Haweeney Lagu dilay Mid kalena lagu...

Toogasho ka dhacday Magaalada Örebro oo Haweeney Lagu dilay Mid kalena lagu Dhaawacay

0
Foto Mikael Fritzon / TT

Haweeney 50 jir ah ayaa u dhimatay dhaawac ka soo gaaray rasaas lagu toogtay magaalada Örebro shalay fiidkii.

Haweeney kale oo 25 jir ah ayaa laga daweynayaa dhaawac halis ah oo kasoo gaaray toogashada dhacday.  

Fal-dembiyeedka ayaa ka dhacay guri dabaq ah oo magaalada ah, halkaas oo booliska lagu wargaliyay ka dib markii ay dariska arkeen oo maqleen wax ka socda guriga.  

Booliska ayaa sii wada isku dayada ay ku baadi goobayaan dambiilaha ama dambiilayaasha, iyadoo aysan jirin wax tuhmane ah oo ilaa hadda loo soo qabtay.

Booliiska ayaa wada baaritaanno xooggan iyadoo la xiray goobta uu fal-dembiyeedku ka dhacay.

Olle Lund, oo ah sarkaalka masuulka ka ah degmada Bergslagen, ayaa yidhi: “Nidaamyada baadhistu way sii shaqayn doonaan, ujeedkooduna waa in la isku dayo in la helo dembiilaha.

Booliska ayaa sidoo kale isla wakhtigaas lagu wargeliyay, markii uu fal-dembiyeedku dhacay, ciwaan laba kilomitir u jira guriga, halkaas oo qof kale loogu geystay dhac iyo rabshado aad u daran.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here