Home Wararka Maanta Toogasho ka Dhacday Magaalada Linköping ee Dalka Sweden

Toogasho ka Dhacday Magaalada Linköping ee Dalka Sweden

0
Foto: Jonas Carnesten/Sveriges Radio

Dil kale ayaa ka dhacay Linköping kaasi oo loo geestay Nin 30 jir ah degmada Skäggetorp iyadoo Weli Aan lasoo qaban qofka ka danbeeyah.

Toogashada ayaa booliiska soo gaartay 5.20 galabnimo ee Arbacadii ka dib markii dadka deegaanka ay maqleen Rasaas.

Booliska ayaa markii hore sheegay in ninkaasi uu soo gaaray dhaawac halis ah, balse saacadu markay ahayd 20.11 ayaa website-ka Booliska lagu soo qoray nuu ninkaasi dhintay.

“toogashadii caawa ka dhacday Skäggetorp waxay aheyd isku day dil, waxayna isu beddeshay dil, qaraabada Qofka la dilay waa la ogeysiiyay.” Sida uu sheegay afhayeenka bilayska Johnny Gustavsson.

Ninka dhintay ayaa boolisku horey u garanayeen, balse boolisku ma doonayaan in ay xaqiijiyaan in toogashadan ay la xiriirto kooxo burcad ah oo isla deegaankaas ku sugnaa.

Hadda, ma jirto cid looga shakisan yahay toogashada, sida uu sheegay Johnny Gustavsson.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here