Home Wararka Maanta Toogasho ka dhacday Jaamacada North Carolina ee Dalka Mareykanka

Toogasho ka dhacday Jaamacada North Carolina ee Dalka Mareykanka

0

Toogasho ayaa ka dhacday Jaamacada North Carolina ee ku taalla isla Gobolka North Carolina ee Dalka Mareykanka.

Toogashada oo uu fuliyay arday kamid ah Jaamacada ayaa lagu dilay 2 qof halka lagu dhaawacay 4 kale oo 3 kamid ah uu dhaawacooda aad u liito.

Booliska Magaalada oo ka hadlay toogashada ayaa warbaahinta u sheegay in qofka weerarka geestay ay gacanta ku dhigeen isla markana kamid ahaa ardayda jaamacada.

Xiliga toogashada dhacday ayaa ku soo aaday iyadoo ardayda jaamacada ay ku jireen isku diyaarinta riywaayad ay ka dhigi lahaayeen jaamacada kale ee Jerry Richardson.

Somaliska USA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here