Home Wararka Maanta Toogasho ka dhacday Bartamaha Märsta ee Waqooyiga Caasimada Stockholm

Toogasho ka dhacday Bartamaha Märsta ee Waqooyiga Caasimada Stockholm

0

Warar laga helayo Bartamaha Xaafada Valsta oo ka tirsan Kamuunka Märsta ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday toogasho lagu dhaawacay qof.

Toogashada ayaa ka dhacday goob maqaaxi ah waxana warbaahinta qorayaan in aanan la xaqiijin karin in toogashada ka dhacday gudaha maqaayada ama banaanka.

Qofka la toogtay ayaana xaaladiisa laga deerinayaa madama uu soo gaaray dhaawac culus waxana goobta gaaray ciidan ka tirsan Booliska Sweden.

Ola Österling oo ah afayeen ka tirsan Booliska ayaa warbaahinta u sheegay in toogashada ay dhacday abaaro Todobada fiidnimo isla markana goobta ka wadaan baaritaan xoogan.

Kamuunka Märsta ayaa kamid ah meelaha ay toogashada ka dhacaan iyado maalmihii u danbeysay ay sidii hore ka rooneyd.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here