Home Wararka Caalamka Tirada Qaxootiga Soo galaya Yurub oo mar kale sare u kacday

Tirada Qaxootiga Soo galaya Yurub oo mar kale sare u kacday

0

Frontex ayaa ku warameysa in tirada qaxootiga isku dayaya inay u gudbayaan Yurub ay aad kor ugu kaceen usbuucyadii la soo dhaafay, si ka duwan bilowgii qalalaasaha Corona

warbaahinta Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday Axaddii (14 Juunyo 2020), iyagoo soo xiganaya wakaaladda xuduudaha Yurub “Frontex” in tirada qaxootiga isku dayaya inay galaan Midowga Yurub inay si aad ah kor ugu kaceen bishii May ee la soo dhaafay

Websaydka ‘Funke Media Group’ ayaa ku waramaya in intii lagu jiray Bishii Meey qiyaastii
4,300 kun ay si sharci darro ah uga gudbeen jidadka ugu waaweyn ee Yurub, ku dhawaad seddex jeer waxay ahaayeen bishii Abriil.

Tirooyinka ayaa hoos ugu dhacay bishii Abriil ee la soo dhaafay ka dib xanuun Corona virus’, sidoo kale wax yar ayay ka yaraayeen guud ahaan shantii bilood ee ugu horreeyay sannadka marka la barbar dhigo sanadkii la soo dhaafay.

Frontex waxay diiwaan gelisay isugeyn 31,600 kun oo xaduudaha si sharci darro ah uga gudbay intii u dhaxeysay Janaayo iyo Meey waana lix boqolkiiba wax ka yar isla sanadkii hore

Frontex waxay sheegtay in wadada loo maro Turkiga iyo Giriiga ay tahay wadada ugu
firfircoon ee loogu gudbo Yurub. Intii lagu jiray muddadii u dhaxaysey Jannaayo ilaa Meey,

Somaliska Germany

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here