Home Wararka Caalamka Tirada Qaxootiga iska dhiiba Caasimada Stockholm oo hoos u dhacday

Tirada Qaxootiga iska dhiiba Caasimada Stockholm oo hoos u dhacday

0

Tirokoob cusub ayaa muujinaya hoos u dhac weyn oo ku yimid tirada qaxootiga soo gaaray gobolka Stockholm shanti sano ee lasoo dhaafay.

Sida ay sheegtay idaacada P4, gobolka Stockholm ayaa shan sano ka hor qaabiley ku dhawaad ​​10,000 oo qaxooti ah, halka tiradu ay hoos uga dhacday in ka yar 2500 sanadkii hore.

Stockholm, ayaa iyaduna sanadkii hore qaabishay in ka yar 900 oo qaxooti ah, marka la barbar dhigo qiyaastii 4,000,000 oo qaxooti ah oo ay magaaladu heshay 2018.

Mas’uul ka tirsan maamulka degmada ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in Stockholm ay sii ahaato magaalo u furan qaxootiga, balse isla mar ahaantaana waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si sax ah loo shaqeeyo nidaamka jira ee qaabilaada qaxootiga.

Tan iyo bilawgii sanadkan, gobolka Stockholm ayaa qaabilay 645 qaxooti ah, oo aan lagu xisaabin qaxootiga Ukraine.

Xigasho: sverigesradio.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here