Tirada magangalyo doonka oo cirka isku shareertay iyo Soomaalida oo hoos u dhacday

11

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa kor u qaaday tirada magangalyo doonka la filayo in ay Sweden iska dhiibaan sanadkaan 2014. Horay ayaa loo saadaalinayay in qiyaastii 61000 qof ay sanadkaan magangalyo ka dalban doonaan Sweden balse tiradaas ayaa hada la siyaadiyay.

Qiyaasta cusub ayaa ah in 70-80.000 qof ay Sweden iska dhiibi doonaan sanadkaan, taasoo ka dhigaysa in Sweden ay noqoto wadamada ugu magan galyo doonka badan Yurub. Isbuuc kasta ayaa hada waxaa Sweden soo gasha 2100 qof iyadoo la filayo in tiradii ugu badnayd oo soo galooti ah ay yimaadan Sweden 2014. Sanadkii 1992 ayaa Sweden waxaa soo galay 82.000 qof nambarkaas oo noqday mid taariikhda galay.

Dhinaca kale. magangalyo doonka Soomalida ayaa hoos u dhacay sanadkaan. Sanadkaan hada kala barka ah ayaa waxaa Sweden iska dhiibay 1683 qof Soomaali ah. Sanadkii 2013 ayaa guud ahaan Soomaalida Sweden magangalyada ka dalbatay ay gaadhay 3901. Halka 2012 ay iska dhiibeen 5640 Soomaali ah. Sababta ka dambaysa hoos u dhaca Soomaalida ayaa ah in Sweden ay badashay aragtideeda ku aadan xaalada Soomaalia taasoo sharciga ku adkaysay Soomaalida.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here