Home Wararka Maanta Tirada Dadka loo xiray 80 gaari oo lagu gubay Caasimada Göteburg..

Tirada Dadka loo xiray 80 gaari oo lagu gubay Caasimada Göteburg..

0

waxay aheyd weerar lagu qaaday gawaari badan oo la dhigtay goob lagu baakimo gawaarida halkaasi oo lagu gubay kadib markii la jabiyay gawaarida isla markana la dhex dhigay dab.

weerarka ayaa dhacay habeenka talaada iyadoo muuqaalo laga helay dhalinyarada lagu baahiyay baraha bulshada iyo goobo kale oo warbaahinta ku jirto.

Booliska Sweden ayaa ku guuleestay qabashada 6 qof oo ku lug leh weerarka halkaasi ka dhacay waxana qof kamid ah lagu sheegay turki kaasi oo ay qabatay dowlada turkiga isagoo ka duulay sweden kuwa sii jeeda turkiga.

dhanka kale booliska ayaa sii daayay 3 kamid ah raga la xiray inkastoo wali looga shakisanyahay in ay weerarka ka danbeeyay halka 3 kale xabsiga la dhigay.

habeeno ka hor ayaa weeraro lagu qaaday dhoor gawaari kuwaasi oo la gubay booliska sweden ayaana ku sheegay in uu ahaa weerar qorsheen.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here