Home Wararka Maanta Tirada Corona ee Maalinlaha Caasimada Oslo oo korortay, Xayiraado Cusub oo bilaabanaya

Tirada Corona ee Maalinlaha Caasimada Oslo oo korortay, Xayiraado Cusub oo bilaabanaya

0
Foto: Jon Olav Nesvold / NTB scanpix

Maanta, masuuliyiinta caafimaadka ee Norwey waxay shaaciyeen in 245 kiis oo cusub oo coronavirus ah laga diiwaan galiyay caasimada Oslo 24kii saac ee la soo dhaafay. Tani waa tiradii ugu badneyd ee ay diiwaan geliso caasimada tan iyo markii uu faafay cudurka.

Maamulayaasha ayaa laga filayaa inay soo rogaan xayiraad cusub oo adag maalinta Axada ah.

Xaaladda jirta awgeed, goluhu ma arko wado kale oo aan ka ahayn in la adkeeyo xirnaanshaha bulshada ee Oslo, “Raymond Johansen oo ka tirsan golaha deegaanka ayaa u sheegay Avisa.

Agaasimaha Caafimaadka, Robert Steen, ayaa kula dardaarmay dhamaan dadka deegaanka ee ka soo laabtay fasaxoodii jiilaalka ee magaalooyinka kale inay maraan baaritaanada Corona.

Wuxuu yiri, “Waxaan ka walwalsanahay in cudurka uu soo baxo. Markii aad fiiriso xoogga cudurka faafa ee hadda dhacaya, waxaa iska cad in annaga oo ku nool Oslo ay tahay inaan si wadajir ah xal ugu helno.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here