Home Wararka Maanta Tartanka Kubada Cagta Jaaliyada Ereteriya oo bilaabanaya Xili Kii Somalida uusan jirin...

Tartanka Kubada Cagta Jaaliyada Ereteriya oo bilaabanaya Xili Kii Somalida uusan jirin Sanadkan

0

Horyaalka Kooxda Kubadda Cagta ee Jaaliyada Ereteriya ayaa bilaabanaya maalinta bari ah sida qaar kamid ah xubnaha ay u sheegeen Somaliska.

Dhanka kale Ciyaaraha Kuleelaha ee kubada Cagta Somalida oo Stockholm lagu qabto sanad walbo ayaan jirin sanadkan iyadoo xayiraadaha badankooda laga qaaday wadanka.

Maamulka Ururka Al-Wefaq ee Ereteriya ayaa ku casuumay dadweynaha in ay ka soo qayb galaan kulankaan, iyo in la dhiiri geliyo kooxaha ka qayb galaya, waxaana ka qayb galaya tartankan 8 naadi oo ka kala socda magaalooyinka Sweden iyo gobalada.

Abaal marino sharaf ayaa loo soo bandhigi doonaa ka qaybgalayaasha tartanka, sidoo kale Ururka Al Wefaq ee Ereteriya ee Katrinaholmes ayaa xaflad qado ah ku qabanqaabin doona xarunteeda dhamaadka tartanka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here