Home Wararka Maanta Taliyaaniga Ku Dhawaad 1,000 qof oo laga helay Xanuunka Corona Hal maalin...

Taliyaaniga Ku Dhawaad 1,000 qof oo laga helay Xanuunka Corona Hal maalin oo kaliya

0
Foto: Jessica Gow / TT

Xanuunka Corona ayaa dib ugu soo laabtay Dalka Taliyaaniga waxana soo kordhay tirada dadka laga helay xanuunka sida ay ku warameyso hay’ada Caafimaadka ee Dalka ku dhawaad 1,071 qof ayaa laga helay xanuunka hal maalin oo kaliya Caasimada Roma oo kaliya ayaana laga helay 215 kiis oo Corona ah.

Tirada soo korortay ayaa ka dhigaysa in 258,136 qof laga helay xanuunka halka  35,430  qof ay u dhinteen Corona tan iyo markii uu xanuunkaasi uu ka dilaacay Dalka.

Dowlada ayaa shaaca ka qaaday in dadka laga helay 61 boqolkiiba ay yihiin dadka u baxay safarka dibada ama dalxiiska sida ay muujinayaan baaritaan ay dowlada sameesay.

dib u soo laabashada xanuunka corona ayaana keentay in dowlada ay dib u soo celiso qeybo kamid ah xanibaada saaran dadka.

PHOTO: ADAM IHSE / TT

Somaliska Roma

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here