Home Wararka Caalamka Talafashinka Qaranka Sweden oo Baahiyay in Mucaaradka ku guuleestay Doorashada

Talafashinka Qaranka Sweden oo Baahiyay in Mucaaradka ku guuleestay Doorashada

0
Foto: Christine Olsson / TT l

Qiyaasta natiijada doorashada ee Telefishinka Sweden (SVT) ayaa muujinaysa in xisbiyada mucaaradka ay heli doonaan aqlabiyadda kuraasta, isla markaana ay ku guuleysan doonaan doorashada, iyadoo fursadda arrintaasi ay tahay ugu yaraan 99.9 boqolkiiba.

Sida ku cad qiyaasta, rajadii xisbiyada Tidö ee ahayd inay helaan aqlabiyad ayaa hadda gebi ahaanba sii dhammaanaysa.

Khabiirka SVT u qaabilsan la socodka natiijooyinka doorashada, Fuad Yousfi, ayaa sheegay:

“Fursadda uu isbeddel ku imaan karo marxaladdan waa mid aad u hooseysa, taas oo noo saamaxaysa inaan si kalsooni leh u sheegno in mucaaradku heli doono kuraasta ugu badan doorashadan.”

Ilaa 6:15 fiidnimo, natiijada ku dhowaad 200,000 cod oo loo yaqaan “codadka Arbacada” ayaa loo gudbiyey Hay’adda Doorashooyinka Sweden.

Hay’addu waxay qiyaasaysaa in wadarta codadka noocan ahi ay gaari doonaan ku dhowaad 300,000 cod.

Haddii qiyaastan ay sax noqoto, waxaa weli harsan qiyaastii 100,000 cod oo la sugayo in la tiriyo.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here