Home News in English ”Sweden Waxaa kala kulmay Cunsurunimo, Somaliyana Hanjabaad Dil Ah ” Sakiya Xuseen

”Sweden Waxaa kala kulmay Cunsurunimo, Somaliyana Hanjabaad Dil Ah ” Sakiya Xuseen

0

Jeneraal Sakiya Xuseen hadda waa Taliye Xigeenka Booliska Soomaaliya lakin dhor sano ka hor waxay ku nooleed dalka Sweden.

Sakiya ayaa ku nooleed magaalada yar ee Eslöv ee dhacda gobalka Skåne ee koofurta Sweden halkaasi oo wax ku soo baratay.

Waqtigii halkaasi ku nooleed ayay la kulantay dhibaato Cunsurunimo madama ay aheyd qofka kaliya ee ka madow ee dhigta fasal ay ku jiraan 35 qof.

Sakiya ayaa markaasi kadib u gudubtay dalka igariiska halkaasi oo waxbarasho jaamacadeed ku soo qaadatay waxayna intaasi kadib go’ansatay inay dalkeeda hooyo ku laabato.

Warbixin ku saabsan Sakiya oo meelo badan loo hadlay ayaa lagu qoray wargeyska Skånska Dagbladet ee ka soo baxa koofurta Sweden.

Sakiya ayaa dhibaato kale kala kulantay dalka Somaliya sida warbixinta lagu qoray waxaana kamid ah in ay tahay qof haweyn ah oo kamid ah saraakiisha ugu sareysa Booliska.

Warbixinta laguma faafaahin Nuuca Hanjabaada ee ay kala kulantay dalka Somaliya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here