Home Wararka Maanta Sweden oo xiligan Qorsheneysa Xiritaanka goobaha Bulshada iyo Amaro kale

Sweden oo xiligan Qorsheneysa Xiritaanka goobaha Bulshada iyo Amaro kale

0

Dowlada Sweden ayaanan ilaa hada xirin goobaha bulshada isku timaado sida Maqaayada,Gadiidka dadweynaha la Raaco iyo iskuulada qaar kuwaasi oo furan.

Iyadoo taasi ay jirto ayay Dowlada maanta soo jeedisay Awood dheeraad ah oo la siiyo Dowlada si Sharci Deg Deg ah u gaarto iyadoon Barlaamka loo marin ama la horgeenin kuwaasi oo looga hortago faafida Xanuunka Corona.

Dowlada ayaa Qorsheeneysa in ay Xirto Goobaha Maqaayada, Suuqyada, Goobaha lagu Caweeyo iyo Gadiidka si ku meel gaar ah ilaa laga gaaro Bisha September isla sanadkan 2020.

Sweden ayaa u muuqata mid aanan si adag ula tacaalin Caabuqa Coronavirus Madama Wali ay furanyihiin Xaruumaha Dowlada gaar ahaan goobaha lagu Akhristo Buugaagta, Dabaasha ,Iskuulada, Maqaayadaha.

Xisbiga M xubnihiisa Barlamaanka ayaa durba kasoo horjeestay go’anka iyo Awooda Dowlada dooneyso.

Somaliska Stockholm

Waxaa turjumay Somaliska.com

Xigasho/SVT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here