Home News in English Sweden oo tarxiishay Qaxootigii ugu horeeyay inta lagu guda jiro Xaalada Coronavirus

Sweden oo tarxiishay Qaxootigii ugu horeeyay inta lagu guda jiro Xaalada Coronavirus

0

Dowlada Sweden ayaa tarxiishay Qaxootigii ugu horeeyay ee kasoo jeeda Dalka Afganistan tan iyo markii uu dilaacay Xanuunka Corona sida uu ku waramayo joornalka Aftonpladet.

Talaadadii lasoo dhaafay ayaa diyaarad ka dooshay Garoonka Arland waxay qaaday ku dhawaad 9 qof kuwaasi oo kasoo jeeda Dalka Afganistan kadib markii dadkaasi laga xaqiijiyay in ay diyaar u yihiin dib u celinta dalkooda.

Booliska Sweden oo ka hadlay Dadkaan la tarxiilay ayaa sheegay in Qaxootigaasi ay ahaayeen kuwa dalbaday in dib loogu celiyo Dalkooda si bilaash ah lakin kooxaha u dhaq dhaqaaqa arimaha Qaxootiga ayaa sheegay in Dadkaasi lagu qasbay in lagu celiyo dalkooda.

Dalka Sweden ayaa hakisay tarxiilista qaxootiga tan iyo markii uu dilaacay Xanuunka Corona lakin waa markii ugu horeesay oo Qaxooti dib loogu celiyo Wadankooda.

go’anka Dowlada ayaa yimid kadib markii dhawaan dowlada shaacisay in ay xiriir la sameeneyso wadamada Ciraaq, Somaliyda si dib loogu celiyo halkaasi Qaxooti badan oo wadanka ku sugan kuwaasi oo heesta diidmo.

Somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here