Home Wararka Maanta Sweden oo soo saartay Xeerar Cusub oo ku saabsan Coronavirus

Sweden oo soo saartay Xeerar Cusub oo ku saabsan Coronavirus

0

Lix gobol ayaa horeyba u lahaa sharciyo adag oo loogu talagalay in lagu yareeyo faafitaanka fayraska xili ay u dhinteen xanuunka Corona 6,000 kun.

Hadda gobollada Halland, Örebro iyo Jönköping ayaa sidoo kale helaya xayiraado dheeraad ah . Sida uu yiri ra’iisul wasaare Stefan Löfven.

Wuxuu kaloo u sheegay raisal wasaaraha sharciyo cusub oo makhaayadaha laga cunteeyo. Ugu badnaan sideed qof ayaa miis wada fadhiisan kara.

– Waxa aan hadda sameyneyno ayaa isbeddel ku saameyn doona sida aan ugu dabbaaldegi lahayn ciidda kirismaska, ayuu yiri raisalwasaaruhu.

Johan Carlsson, oo ah madaxa Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha ayaa isna ku waafaqsan ama taageersan.

– Waxaa inagu soo food leh jiilaal dheer oo adag. Dhammaanteen waxaan u baahanahay inaan sameyno wax walba oo aan awoodno si aan u yareyno faafitaanka fayraska, ayuu
yidhi.

Uppsala, Skåne, Stockholm, Västra Götaland, Östergötland
iyo Blekinge ayaa durba bilaabay talaabooyin adag.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here