Home News in English Sweden oo soo bandhigtay Sharci Cusub oo Caawinaya Muwaadiniinta Britain u dhashay

Sweden oo soo bandhigtay Sharci Cusub oo Caawinaya Muwaadiniinta Britain u dhashay

0

Dowladda Sweden ayaa qorshaynaysa inay muwaadiniinta British-ka ah u fududayso inay soo codsan karaan rukhsadda deganaanshaha Sweden, haddii uu lacalla dhaco Brexit adag oo bilaa heshiis ah, sida uu werinayo SVT.

SVT, ayaa kasoo xigtey Wasiirka Cadaaladda Sweden Morgan Johansson inuu dowladda u gudbiyay hindisahan cusub oo muwaadiniinta British-ka ah iyo qoysaskooda u sahlaya inay degi karaan Sweden, isagoo sheegay in ay doonayaan in uu hindisahani shaqeeyo ugu yaraan hal sano marka laga soo bilaabo xilliga ay Britain ka baxdo Midowga Yurub.

Tillaabadan ayay Sweden hirgelinaysaa oo qura haddii uu Ingiriisku ku fashilmo inuu heshiis la gaaro Midowga Yurub kahor 31-ka bishan Oktoobar oo ah xilliga loo muddeeyay kala bixitaanka, haddii aanu kahor dhicin heshiis u dhexeeya labada dhinac.

Isbeddelkan ayaa ka dhigan in dadka haysta dhalashada British-ku ay heli doonaan rukhsadda deganaanshaha Sweden haddii ay soo dalbadaan.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here