Dawladda ayaa soo ban dhigtay mooshin cusub oo ka hadlaya fursadaha kordhay ee lagu soo bandhigayo tallaabooyin dheeri ah oo ku saabsan fayruska iyo in dawladda la siiyo muddo saddex bilood oo awood dheeri ah oo ey go’aanno ku gaari karto.
Awoodaha ama fursadaha ay dooneyso in la siiyo dowladda ayaa waxaa ka mid ah in la xadeeyo isu imaantinka dadka, in ay xiri karto goobaha waaweyn ee laga adeegto, baararka, goobaha habeenka lagu caweeyo, goobaha jimicsiga ama meelaha lagu qaxweeyo iyo goobaha isboortiga.
Fursadaha cusub waxey shaqeyn doonaan muddo seddex bilood ah, waana qaar wax ka qaban doona oo keliya tallaabooyinka ka dhanka ah faafitaanka fayruska corona.
Somaliska Stockholm
Wararka kale ee Maanta
AD