Home News in English Sweden oo Shaacisay Xiliga uu bilaabanayo Manhajka Waxbarshada ee Galmada La Xiriira

Sweden oo Shaacisay Xiliga uu bilaabanayo Manhajka Waxbarshada ee Galmada La Xiriira

0

Laga bilaabo dayrta soo socota, manhajka waxbarashada galmada ee dugsiyada Iswiidhishka ayaa la badalidoonaa. Magaciisu wuxuu noqonayaa “Galmo, Is-waafajin, iyo Xiriir” halkii uu ka ahaan lahaa “Galmada iyo Wada-noolaanshaha”.

Manhajka cusub waxa ka mid   ah agab waxbarasho oo diirada saaraya muhiimada ogolaanshaha xidhiidhka galmoodka, oo ka caawiya ardayda inay horumariyaan fikirka muhiimka ah ee sawirada qaawan. Waxay kaloo diiradda saareyaaa waxa loogu yeero “cadaadis sharafta la xiriirta”.

Professor Gender Nina Rong ayaa u sheegtay SVT maanta in manhajka cusub “uu si fiican u fahansan yahay xaaladaha xun ee ay dhallinyaradu la kulmaan,” iyadoo raacisay, “Tani runtii waxay saamaysaa ardayda inta ka dhiman noloshooda.”

Sharciga cusub ee ay soo saartay waaxda dugsiyadu, magaca cusub ee manhajku waxa uu muujinayaa “muhiimada galmoodka iyo xidhiidhka ku salaysan heshiis”.

Iswaafajintu waa “in ka badan kaliya xiriirka galmada, waxaa ku jira xiriir jacayl sidoo kale,” ayay tiri.

“Haddii qofku uu yahay 15 jir iyo xiriirkooda ugu horreeya, sidee ayuu qofku u ogaan karaa waxa dhabta ah?

Deyrtii 2017, dawladdu waxay ballan-qaadday, ka dib khilaafkii ka dhashay ololaha in dib loo eego mawduuca waxbarashada jinsiga ee dugsiyada

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here