Home Wararka Maanta Sweden oo Sacuudiga iyo Qadar ku eedeysay inay Xagjiriin ku Faafinayaan Yurub

Sweden oo Sacuudiga iyo Qadar ku eedeysay inay Xagjiriin ku Faafinayaan Yurub

0

Wasiirka cadaalada iyo arrimaha gudaha Sweden Morgan Johansson ayaa ku eedeeyay dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Qatar inay maalgeliyaan kooxaha xagjirka ah ee Yurub.

Wasiirka ayaa ka hadlay dadaalka reer Yurub ee ku aadan joojinta dhaqaalihii dibadda ee kooxaha xagjirka ah ee Midowga Yurub, isagoo dhinaca kale ka qeyb galay shirkii Golaha Wasiirada Cadaaladda ee dalalka Midowga Yurub ee ka dhacay caasimadda Belgium ee Brussels.

Wasiirku waxa uu sheegay in “wadamo ay ka mid yihiin Sucuudiga iyo Qatar ay dhaqaale ku bixiyaan dhismaha masaajida laga dhisayo Yurub, balse dhaqaalahaasi sidoo kale waxa la socda kooxaha Islaamiyiinta ah ee xagjirka ah ee maamula masaajidyadan, isla markaana faafiya fikradaha xagjirka ah,” ayuu yidhi wasiirku. waa in la joojiyo.”

“Waxaan ka qeyb galay shirkii Golaha Yurub ee Brussels, waxaan la kulmay Wasiirada Cadaaladda iyo Arrimaha Gudaha ee Midowga Yurub” ayuu yiri Wasiirka.

Waxaana si joogta ah ula kulannaa koox yar oo ay ku jiraan Jarmalka iyo Faransiiska, si aan uga wada hadalno tallaabooyin dheeraad ah oo lagula dagaallamayo argagixisada,” isagoo xusay in kulanka uu ka mid ahaa Isu-duwaha cusub ee La-dagaalanka Argagaxisada ee Midowga Yurub, Ilka Salmi, ayna ka wadahadleen arrinta joojinta maalgelinta dibadda. kooxaha xagjirka ah ee Midowga Yurub

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here