Home Wararka Maanta Sweden oo Maxkamad soo taagtay Lix ruux oo lagu heesto falal...

Sweden oo Maxkamad soo taagtay Lix ruux oo lagu heesto falal Argagixiso.

0

Iyadoo uu maanta bilowday kiis maxkamadeed lix nin, kuwaasoo lagu tuhunsan yahay diyaar-garaw ay ugu jireen fulinta denbi argagixiso iyo maalgelin nooc denbi halis ah ayaa maanta looga hadlay qodob raggan lagu heysto oo ah iney lacag u direen kooxda aragagixada Daacish.

Raggan dhamaantood marka laga reebo hal nin ey u dhasheen qowmiyadda Uzbek loo yaqaanno. Waxaan la hubin in raggani xiriir la lahaayeen Rakhmat Akilov oo ka soo jeeda Uzbekistan oo uu ku dhacay xukun falkii argagixiso ee uu ka geystay Drottninggatan, Stockholm.

Guud ahaan lacagta laga hadlayo waa 50 000 kr iyaduu Filip Ahlin, khabiir dhanka ammaanka ee jaamacadda militariga sheegay iney lacagtu tahay mid wax badan lagu fulin karo.

– Falalka denbi ee sanadihi ugu danbeeyey laga fuliyey Yurub ayaa ahaa kuwo aysan ku bixin lacag badan, iyadoo la isticmaalay hub sahlan sida gaadiid, midiyo iyo wax la mida. Marka lacagtan waa mid badan.

Raggan ayaa mida kale kula xiriirey dadka ay lacagta u direen app-ka warbixinta maldaha ee Telegram iyadoo kadibna lacagta ku direy shirkaddaha xawaaladda.

Filip Ahlin ayaa sheegay in isticmaalkan app-kan iyo shirkad xawaalo ay ahaayeen qaab horey loogu isticmaalay fulinta falalka argagixiso.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radio svergie

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here