Home Wararka Caalamka Sweden oo Maanta Ku Dhawaaqeysa Xayiraado Cusub oo Dalka lagu soo rogayo

Sweden oo Maanta Ku Dhawaaqeysa Xayiraado Cusub oo Dalka lagu soo rogayo

0
Photo: Anders Wiklund / TT

Waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Magdalena Andersson iyo Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha ay shir jaraa’id ku qabtaan gelinka dambe ee maanta oo ku saabsan xaaladda Corona ee dalka.

Halkan Riix ka Akhriso Xayiraadaha

Wargeyska Aftonbladet oo soo xiganaya ilo aan la magacaabin ayaa sheegay in shirka laga yaabo in lagu soo rogo xayiraado cusub.

Infekshanka Corona ayaa si aad ah ugu kordhay Iswiidhan muddadii dhawaa. Arbacadii la soo dhaafay, waddanku wuxuu diiwaangeliyay tirada ugu badan ee maalinlaha ah ee cudurrada tan iyo markii uu cudurku dillaacay, oo gaadhay in ka badan 23,000 caabuq 24 saac gudahood.

Tirada caabuqyadu waxay u muuqataa inay aad uga badan tahay xaaladdii ugu xumayd ee ay hore u saadaalisay Maamulka Caafimaadka Dadweynaha .

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here