Home Wararka Caalamka Sweden oo ka hadashey in Diyaaraha Ruushka ay soo galeen Hawadeeda

Sweden oo ka hadashey in Diyaaraha Ruushka ay soo galeen Hawadeeda

0
Photo/Pontus Lundahl / TT

Wasaaradda Difaaca ee Sweden ayaa beenisay wararka sheegaya in diyaaradaha Ruushka ay gudaha u galeen hawada Sweden.

Wasiirka Difaaca Peter Hultqvist, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta qabtay kaga jawaabay su’aal ku saabsan xogtan, wuxuuna sheegay inaysan jirin xadgudub, balse ay diyaaraduhu ka gudbeen biyaha caalamiga ah.

Ciidamada Cirka ee Talyaaniga ayaa bartooda Twitter-ka ku sheegay in 4 diyaaradood oo laga leeyahay dalka Ruushka ay ku soo xadgudbeen hawada Sweden iyo Poland. 

In kasta oo aysan caddayn goorta ay tani dhacday, tweet-ka ayaa la soo dhigay galabnimadii Arbacada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here