Home Wararka Caalamka Sweden oo ka bilaabatay Maxkamadeynta Nin Xaaskiisa ku dilay Toorey Carruurtooda Hortooda

Sweden oo ka bilaabatay Maxkamadeynta Nin Xaaskiisa ku dilay Toorey Carruurtooda Hortooda

0

 Maxkamadeynta nin afartameeyo jir ah oo lagu eedeeyay in uu xaaskiisa ku dilay Falköping ayaa todobaadkan ka bilaabatay Sweden .

 Ninkan ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwado dhowr ah oo isugu jira faraxumayn caruur.

Dembigu wuxuu dhacay bishii June ee la soo dhaafay, iyadoo haweeneyda iyo carruurta lamaanaha ay ku sugnaayeen gurigooda, markii uu ninka weeraray.

 Caruurtan ayaa la sheegay in markii hore ay ku guuleysteen inay aabahaasi tooreyda ka soo qabtaan si hooyadood oo dhaawacantay ay uga baxsato guri dabaq ah oo uu saarnaa si gaariga u gaarto oo banaanka saarnaa

Balse ninka ayaa soo qaatay mindi kale isagoo ka daba tagay xaaskaas isla markana ku dhuftay dhoor Tooreey.

Qof wadada marayay ayaa ku guuleystay inuu joojiyo ninka, balse haweeneyda ayaa u geeriyootay dhaawacii soo gaaray.

Ciidamada Booliska ayaa si deg deg ah u soo gaaray goobta, waxaana la xiray ninkii. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in dhowr qof ay marqaati ka ahaayeen shilkaasi.

Ninkan ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira dil, xad gudub ilmo oo aad u daran iyo dhowr jeer oo hore oo lagu soo eedeeyay faraxumayn caruur ah.

“Tani waa dambi aad u culus,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud Jacob Holmberg.

Ninkan ayaa qirtay inuu tooriyeeyay xaaskiisa. Laakiin sida ku cad eedda, ninku wuxuu aaminsan yahay inuu u dhaqmay si is-difaac ah, maadaama dadka kale ay u hoos geeyeen shirqool.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here