Home News in English Sweden oo Joojineysa Isticmaalka Kaararka Teleefanka ee Horay loo qaatay

Sweden oo Joojineysa Isticmaalka Kaararka Teleefanka ee Horay loo qaatay

0

Dowladda Sweden ayaa ku baaqday in la joojiyo isticmaalka kaararka taleefoonnada ee aan la aqoonsan ama la diiwaangalin.

“Ma jirto wax shuruud ah in la diiwaan geliyo xogta qofka marka la iibsanayo kaarka taleefoonka ee la sii bixinayo, taasoo ah fursad ay dambiilayaasha u adeegsadaan falal dambiyeedkooda,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda Morgan Johansson maanta.  

Dawladdu waxay soo jeedinaysaa in talefanka gacanta uu ku diiwaan galiyo xogta macmiilaha oo wata magaca, ciwaanka iyo lambarka bulshada marka uu iibsanayo kaadhka taleefanka ee prepaidka ah.

Aqoonsiga qofka waa in sidoo kale la xaqiijiyaa marka la diiwaan gelinayo kaarkaas

Soo jeedintan ayaa la filayaa inay dhaqan gasho laga bilaabo Ogosto 1, 2022.

Dhinaca kale, Johansson ayaa shaaca ka qaaday, in hadda la sii amba qaadi doono mamnuucidda la wareegidda waraaqaha loo kala diro qofka looga shakiyo inuu dembi galay iyo qaraabo ama saaxiib.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here