Dowladda Sweden ayaa maanta go’aan ku gaartay in ay Ankara u gacan geliso muwaadin Turki ah oo lagu helay dambiyo daroogo oo dalkiisa ka dhacay, loogana shakisan yahay in uu xiriir la leeyahay xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK.
Dowlada Sweden ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo looga arinsanayay ansixinta codsigii Turkiga ee ahaa in ninkan 30-jirka ah dib loo celiyo kadib markii maxkamada sare ee Sweden ay ansixisay masaafurinta , iyadoo horey loo maray sharci.
Madaxa maamulka dhexe ee wasaaradda cadaaladda Sweden Ashraf Axmed ayaa ku dhawaaqay go’aankan, isagoo ku nuux-nuuxsaday in dowladdu ay la wadaagto qiimeynta maxkamadda sare.
Dowladda Sweden ayaa go’aankeeda ku wargelisay wasaaradda cadaaladda Turkiga, waase haddii amarkaasi uu dhaqan galo muddo afar todobaad gudahood ah, sida uu baahiyay TV-ga SVT ee dalka Sweden.
Maxkamadda sare ayaa go’aansatay dhamaadkii bishii May in aysan jirin wax caqabad ah oo hoos imaanaya sharciga isdhaafsiga iyo heshiiska Yurub ee ka dhanka ah u gacan gelinta Turkiga ee go’aannada ku saabsan dembiyada daroogada.
Ninkan ayaa sanadkii 2013-kii lagu helay dambiyo la xiriira daroogada dalka Turkiga, waxaana lagu xukumay afar sano iyo 7 bilood oo xarig ah.
Ninkan ayaa dafiray eedeymaha loo soo jeediyay, isagoo tixgelinaya in dalabka Turkiga ee masaafurinta uu la xiriiro taageerada uu siiyo xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) iyo xubinimadii hore ee xisbiga Dimuqraadiga Shacabka ee Turkiga.
Dowlada Turkiga oo ka jawaabeysa su’aal ka timid maxkamada sare ee dalka Sweden ayaa beenisay jiritaanka eedeymaha loo heysto ninkaasi oo la xiriira “dacaayadda uu u fidiyay urur argagixiso” ama “aflagaado uu u geystay madaxweynaha Turkiga”.