Dowladda ayaa qaadaysa tillaabooyin dhowr ah oo lagu hubinayo in dadka aan xaq u laheyn in ay Sweden sii joogaan loo tarxiilo dalalkii ay ka yimaadeen.
Wasiirka cadaalada iyo arimaha gudaha Morgan Johansson oo maanta la hadlay Radio Sweden ayaa sheegay in dowlada ay u xilsaartay booliska sanadka soo socda in ay kordhiyaan baaritaanada lagu baadigoobayo dadka sharci darada ku jooga Sweden oo ay ku jiraan baaritaanada goobaha shaqada.
Waxa uu intaa ku daray in badbaadada dadka sharci darrada ah ay horseedayso tiro dhibaatooyin halis ah, oo ay ku jiraan dembiyada shaqada, iyo kororka shaqada madow.
Xukuumadda Sooshal dimuqraadigu waxay kaloo doonaysaa inay bilawdo isticmaalka kaalmada Swedishka ee dalalka soo koraya, sida Ciraaq, si ay saamayn ugu yeelato iyaga oo ujeeddadu tahay in la qaabilo dadka magangelyo-doonka ah ee Iswidhan. Tani waxay muujinaysaa isbedel muuqda oo ku yimid siyaasadda, oo ay si adag u diideen xisbiga deegaanka, oo ka baxay xukuumadda.
“Waa inaan xaqiijinaa in xuquuqda aadanaha lagu ilaaliyo dalalka aan dadka u tarxiileyno,” ayuu yiri Johansson.