Home News in English Sweden: Degmada Staffanstorp oo diiday in ay qaabisho qoys Suuriyaan ah”

Sweden: Degmada Staffanstorp oo diiday in ay qaabisho qoys Suuriyaan ah”

0

 Degmada Stavanstorp ayaa diiday in ay qaabilaan qoys Suuriyaan ah oo Sweden ku yimid qayb ka mid ah qaxootiga lasoo qaado (Qoxootiga Qaramada Midoobay).

Qoyska ayaa horaantii bishii May yimid garoonka Storup ee Malmo. Dawladda hoose waxay ahayd inay qaabilaan, laakiin way diiday.

“Afar qof ayaa fariistay garoonka, iyadoo aysan jirin degmo na soo dhaweysay,” Xasan ayaa u sheegay SVT. Waa masiibo marka qofku dareemo inaan loo baahnayn.”

Qoyskan ayaa la dejiyay hotel ku yaala magaalada Malmö, waxaana halkaasi u yimid qof ka tirsan hey’adda socdaalka oo u sheegay go’aanka degmada ee ah in aan la qaadin kootada qaxootiga.

Son Cali Xariiri ayaa yiri “Gabi ahaan aad ayaan uga naxay in tani ay ka dhici karto dal sida Sweden oo kale ah, oo ah dalka xorriyadda. Waxa aanu la yaabnay in dawladda hoose ay noo diiday in aanu dal ka nimid oo kaliya”.

Degmada Staffanstorp , oo ay maamulaan xisbiyada garabka midig , ayaa ku dhawaaqay dhamaadkii bishii Maarso in aysan qaabili doonin qaxootiga kootada loo qoondeeyay degmada. Golaha magaalada ayaa sheegay in ay doonayaan in ay “mudnaan siiyaan qaxootiga ka imaanaya dagaalka Ukraine”.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here