Booliska Sweden ayaa xiray nin da’diida lagu sheegay 70 sano jir kaasi oo lagu eedeeyay Kufsiga Haweeney kamid aheyd bukaanka ku jira isbitaalka Karolinska qeybta Hoding.
Jonas Bergendahl oo ah xeer ilaaliyaha qaabilsan baaritaanka kiiskan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay xirtaanka ninkan lagu eedeeyay falka kufsiga ah.
sida uu ku waramayo Joornalka Expressen Haweeneyda ayaa isbitaalka ugu jirtay xanuunka dhanka murqaha ah oo awood dari iyo heerka cunada oo ku liidatay.
Booliska ayaa go’aamiyay in ay xireen ninkan inta lagu guda jiray xiliga fasaxa ee Midsommer isagoo markaasi kasoo baxay goobta shaqada.
Sida mar kale uu ku waramayo Joornalka Expressen ninkan ayaa horay ugu eedeesnaa arimo dhanka Daraagiska ah lakin arimaha kufsiga hada ayaa lagu helay.
Somaliska Stockholm