Home Wararka Maanta Stockholm oo lagu qabtay Banaanbaxyo looga soo horjeedo Xanibaadaha Cusub ee Coronavirus

Stockholm oo lagu qabtay Banaanbaxyo looga soo horjeedo Xanibaadaha Cusub ee Coronavirus

0
Henrik Montgomery / TT

Boqolaal dad ah ayaa galabnimadii Shalay ku mudaaharaaday Medborgarplatsen oo ku taal bartamaha caasimada Stockholm, si ay uga mudaaharaadaan xayiraadaha ay dowladdu ay soo saartay ee ku aadan cudurka Corona, halka booliiskuna ay kala eryeen banaanbaxayaasha, iyagoo ku xad gudbay tirada la ogol yahay kulammada dadweynaha.

Booliiska ayaa ku qoray boggooda internetka, in mudaharaadka la qabtay bilaa ogolaansho hore iyo inay kala eryeen banaanbaxayaasha, sababtoo ah tirada kaqeybgalayaashu waxay dhaaftay sideed qof oo loo ogol yahay isu imaatinka dadweynaha.

 

Afhayeenka booliska Mats Erickson ayaa yiri: “Waxaa jira tiro badan oo mudaaharaadayaal ah … Wadahadal ayaan la yeelanay iyaga waxaanan isku daynay inaan kala dirno.”

 

Wuxuu sharraxay in kuwa mas’uulka ka ah abaabulka mudaharaadka lagu soo oogi doono, waxyaabo ay ka mid yihiin, ku tumashada sharciga nidaamka bulshada.

Booliska ayaa sameeyay “darbi difaac ah ” ka hor banaanbaxayaasha, kaasoo markii dambe la jabiyay

Waxaana 6 boolis ah lagu dhaawacay intii mudaharaadku socday, halka 10 qofna la qabtay.

Sida ay qortay wakaalada wararka ee Sweden, tirada ka soo qeyb galayaasha ayaa lagu qiyaasaa inta u dhaxeysa 300 ilaa 500 oo qof waxaana ka danbeeya banaanbaxa kooxda Frihet Sverige.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here