Home Wararka Maanta Stefan Löfven oo loo kordhiyay Waqtiga si taageero uga helo xisbiyada kale...

Stefan Löfven oo loo kordhiyay Waqtiga si taageero uga helo xisbiyada kale ee Dalka.

0

Hogaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna Stefan Löfven ayaa helay waqti dheeraad ah si uu u helo taageero uu ku noqonayo ra’iisal wasaaraha sweden sida uu sheegay afayeenka Barlamaanka Andreas Norlén todobaadkan.

Stefan Löfven ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay inuu waqti dheeraad ah qaato. Xisbiga Libaraalka ayaa sidoo kale sheegay inay wanaagsan tahay arinkaasi. Xisbiga Center-ka ayaa ka gaabsaday in uu warbaahinta la hadlo.

Stefan Löfven ayaa u baahan taageero ka socota dhoor kooxood oo kale si uu u noqdo ra’iisul wasaare isla markaana uu u sameeyo xukuumad.

xisbiyada kale ee codsanaya inay haa ugu codeeyaan Stefan Löfven. Waxay doonayaan in ay gacanta ku hayaan siyaasadda dalka.

Stefan ayaa la filayaa in uu kulamo la sameeyo guud ahaan xisbiyada dalka si uu kala hadlo dhismaha dowlada cusub iyo taageeradiisa.

Ugu horreyn, waxa la filayaa in Barlamaanka uu haa ama maya ugu codeeyo Löfven Arbacada soo socota. Laakiin way sii socon kartaa.

Afayeenka Barlmaanka Sweden ayaa dhankiisa la filayaa in Arbacada uu la hadlo warbaahinta si uu kaga warbixiyo halka ay mareyso xaalada.

Somaliska Stockhom

Xigasho/TT
.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here