Soomaalida ku nool tuulada Lagersberg ee ka tirsan gobolka Södermanland ayaa xaflad soo dhaweyn ah u dhigay gabadha yar ee u dhalatay qoyska boqortooyada Sweden.
Xaflada oo ay soo qaban qaabisay jaaliyad lagu magacaabo Somaliska Solidaritet i Lagersberg ayaa waxaa lagu soo bandhigay ubaxyo, calamada Sweden, tooryo iyo hambalyo loo diray lamaanayaasha gabadha u dhalatay ee Victoria iyo Daniel.
-Waxaan ku noolnahay Sweden, waxaan doonaynaa in aan soo dhaweyno boqorada isla markaana aan hambalyo u dirno Victoria & Daniel – Ayay tiri Zahra Ismail oo ka mid ahayd dadkii wax ka soo qabanqaabiyay xaflada.
Zahra ayaa sidoo kale balan qaaday in ay hadiyad u dirayaa qoyska reer boqor iyadoo soo bandhigtay kaar hambalyo ah oo ay ku saxiixanyihiin dhamaan intii ka soo qayb gashay.
Hadaba sidee u aragtaan arintaan? Ma la dhihi karaa Soomaalidaan xad dhaaf ayay sameeyeen? Ku darsada fikradihiina.