Soomaali beera falasho ka bilaabaysa Sweden

8

Mashruuc cusub oo laga hirgalinayo gobolka Kronoberg ayaa lagu soo bandhigay qorshe Soomaalida looga qeyb galinayo in ay beeralay noqdaan. Mashruucaan ayaa waxaa ka dambeeya shirkad lagu magacaabo Macken i Växjö taasoo ah shirkad beeralay ah. 

Qorshaha ayaa ah in Soomaalida horay u ahaan jirtay beeralayda la siiyo waxbarasho ku aadan sidii ay beeralay uga noqon laahaayeen Sweden. Ujeedada mashruuca ayaa ah in shaqo abuuris loo sameeyo Soomaalida.

Asad Abdi oo ka mid ah dadka mashruuca ka qeyb qaadanaya ayaa idaacada Sweden u sheegay in Somalia ay beeralay ahaayeen balse markii ay Sweden yimaadeen aysan arag fursadaha beeraha. Isagoo intaas ku daray in ay fiicantahay in qofku uu sameeyo shaqada uu yaqaano.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here